Top News:Dowladda Soomaaliya Oo Soo Dhaweeysay Warkii Kasoo Baxay Maamulka Puntland.

0

Muqdisho, AGGM: War qoraal ah ooo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegey in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay soo dhaweyneyso baaqii ka soo baxay mamaul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo waxkasta oo tabasho ah.

War saxaafadeedka oo ku sixiixnaa Wasiirka Warfaafinta mudane Mustafa sheekh Cali Dhuxulow ayaa u qornaa sida atan.

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha lagu xaliyo mabda’a ah wadatashi iyo wadaxaajood”

“ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaday dowlad goboleedka Puntland si looga gaaro wixii tabosho ah is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xili iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano.

Dowladu waxay qiraysaa in dowlada goboleedka Puntland ay ahmiyada weyn ugu fadhiso dowlada dhexe ee Soomaaliya waxayna dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya garowsantahay mas’uuliyada ka saran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo degnaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com