Top News:Ilaalada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Rasaas Isweydaarsaday.

0

Garoowe, AGGM: Labada Ilaalo ee Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali(Gaas) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire ayaa gelinkii hore ee shalay waxa ay isku Rasaas isku weydaarsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Xili Wafdiga Madaxweyne Gaas lasoo Dhoweynayay.

Ilaalada Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa rasaas ku furey ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka xili ay ku wada sugnaayeen Afaafka Hore ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe.

Dhacdadan Garoowe ka dhacday ayaan Sababin wax khasaare,iyadoona Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku aanay ka agfogayn halka Rasaastu ka dhacday,iyadoona aan la garanaynin sababta ka liftay falkaasi foosha xun.

Dhanka kale ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa Warbaahinta u sheegay in uu jiro Kulamo Hoose oo u socda qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kulamadaas oo Mooshin lagaga keenayo Xukuumada Dr.C/weli ee mudada ku dhow Sideeda Bilood Xafiiska joogtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com