Top News:Maxamed Ugaas Xaashi “Garbahaarey Nabad Ma,ahan Ee Shirka Beesha Sade Halagu Qabto Kismaayo”.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo dhexmaray ganacsato kasoo jeeda beesha Sade iyo Maxamed Ugaas Xaashi in uu kusoo dhamaaday qosol iyo yaab.

Ganacsato kasoo jeeda beesha Sade oo u guntaday siday u mideen lahaayeen beesha Sade ayaa dhawaanahan waxa ay wadeen kullamo isdaba joog ah oo ka dhacayay magaalada Muqdisho oo ay la yeelanayeen dhinacyada ku kala duwan afkaarta iyo qaabka loo wajahayo dhacdooyinki ka dhacayay 2-dii sano ee lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ee dadkoo dhan ka yaabiyay.

Garab ka mid ah garabyadan ayaa waxa ay si cad moowqifkooda ugu sheegeen ganacsatada “waanu taageersanahay shirka inuu dhaco kana dhaco magaalada Garbahaarey”, waana ka qeybgaleynaa “Hadaan qaldanahayna nimankan waanu raaceenaa, blase haddii ay qaldan yihiin mana soo raacayaan, mise wadadii foosha xumeed ayay weli sii haynayaan”?

Kadib ayaa waxa ay ganacsatada beesha Sade la kulmeen garabka kale oo uu horkacayay Maxamed Ugaas Xaashi waxayna u sheegeen in ay doonayaan inay qabtaan shirweyne lagu mideynayo beesha Sade oo uu ka dhaco magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

maxamed ugaas xaashi

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa uu yiri “Shirka waan soo dhawaynaynaa balse magaalada Garbahaarey Nabad leysku haleen karo kama ay jirto ee shirka halagu qabto magaalada Kismaayo iyadaa Nabad ka jirtaaye”. waa sida uu hadalka u yiri Maxamed Ugaas Xaashi.

Ganacsatada ayaa waxa ay ugu jawaabeen Maxamed Ugaas Xaashi in dhamaan qeybaha bulshada ee beesha Sade ay doonayaan in ay ku shiraan xarunta ubucdoodu tahay caasimada gobolka ee Garbahaarey, arrintan ayaa waxaa si cad uga biyo diiday Maxamed Ugaas Xaashi sheegayna haddii ay sidaa tahay in isaga garabkiisa aysan kasoo qaybgali doonin shirka Beesha Sade.

Haddaba Waxaa isweeydiin mudan maxay tahay Nabadda aan oolin Garbahaarey ee taala magaalada Kismaayo? iyadoo la wada ogsoon yahay in Caasimada Garbhaarey ee gobolka Gedo aysan ka dhicin waxaan ka dhicin deegaanada kale ee gobolada Dalka Soomaaliya, maxuuse yahay ujeedka ka dambeeya warkan kasoo yeeray Inna Ugaas Xaashi?

Sidoo kale waxaa isweeydiin mudan inay dhamaan qeybaha bulshoweynta beesha Sade ku kulmaan Gobolka Gedo kana tashadaan aayahooda ma dad gaar ah ayay dani ugu jirtaa mise dadka iyo deegaanada oo dhan ayay dan u tahay?

Dhinaca kale ganacsatadan ayaa waxaa ka go’an sidii ay isugu keeni lahaayeen dhamaan garabyada beesha Sade shirna ugu yeelan lahaayeen magaalada caasimada u ah gobolka Gedo ee Garbahaarey si ay aayahooda uga tashadaan, ma wax shaqsiyaad diidi karaan baa?

Isku soo wada duuboo waxaa lagu wadaa shirka aayo ka tashiga beesha Sade inuu dhawaan ka dhaco magaalaada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo, iyadoo iminka qaban qaabadiisa si dar dar leh uga socdaan gudaha iyo dibeddaba dalka.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com