Dhageyso+Sawirro:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Booqday Qaybo Badan Oo Kamid Ah Xerada Qaxootiga IFO Ee Dhadhaab.

0

Dhadhaab, AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Qunsulka Guud ahna ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, mudane Siyaad Maxamuud Shire, Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka, Gudmoomiyaha Arrimaha Qaxootiga Kenya, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, madax kasocotay Hay’ada UNHCR iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa booqasho ku tagay maanta Xeryaha Qaxootigad ee Dhadhaab.

Waftiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo ayaa booqasho ku soo kala bixiyey xarumaha caafimaadka, Waxbarashada, iyo kulan guud oo uu la qaatay gudiyo ay iska soo magacaabeen dadka ku nool sadexda xero.

GudoomIyah ariimaha qaxootiga Kenya mudane Haron Kamen ayaa xaqiijiey in Dowladda Kenaya aysan marnaba doonayn in qaxootiga Soomaaliyeed ay si khasab ah dalkooda ugu celiso.

‘Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo, waxaana ka dhexeeye xariir amni, mid ganacsi iyo mid siyaasadeed, heshiiskii seddex geesoodka ahaa wuxuu ku salaysnaa geedi socodka dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, meelna uguma qornayn heshiiskaas in qaxootiga joogaa dalkaan khasab lagu celiyo, waxaan kale oo aan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in ay jiraan qaxooti badan oo duruuftii adkayd ee isugu jirtay nolol xumada iyo niyad xumada ay u saamaxday in ay wax ku bartaan halkaan, ilaa heer jaamacadeedna ay ku gaaraan, qaar ayaa dalkooda dib ugu noqday iyagoo ka qayb qaadanaya dib u dhiska iyo hormarinta bulshadooda,” ayuu yiri gudoomiyaha arrimaha qaxootiga Kenya Horun isagoo dhanka kalana xusay in Soomaaliya ay soo booqan doonaan guddi ka tirsan saxiixayaashii hashiiska sadex geedka ahaa, si qiimayn loogu soo sameeyo xaalada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa cadeeyey in Kenya ay u muujisay qaxootiga dulqaad badan, hadana heshiiskii sadex geesoodka ahaa iyo shirkii ka dhacay 20 –ka bishaan magaalada Addis-Ababa ay si cad u qeexeen ka soo qaybgalayaasha shirkaas in qaxootiga tirade badan ee jooga dalalkooda aan si khasab ah lagu celinaynin dalkooda.

“Safarkaan ahmiyad ayuu noo leeyahay aan saaka ku nimid xeryaha qaxootiga, wuxuuna daba socdaa shir aan ku tagnay magaalada Addis Ababa, shirkaas waxaa ka soo qayb galay wadamada martida galiyey qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna naga balan qaadeen in ay sii hayn doonaan qaxootiga inta duruuftu uga saamaxayso in si iskood ah dalkood ugu noqdaan. Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku dhamaysto qaxootinmo, dadka hada ku jira xeryahaan waxay sii marayaan jiilkii sadexaad, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, aniga iyo xukuumadayda oo kaashanaya madaxweynaha JFS iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaan dadaal u galaynaa sidii aan qaxootiga dib ugu soo celin lahayn dalka, maxaa yeel waa xoog ka maqan dalka, oo wax badan ku soo kordhinaya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kalana u mahadceliyey dowlada Kenya sida ay dalkeeda ugu soo dhaweysay dadka Soomalayeed.

Guddi ka ka socday sadexda xero oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madaxdii Soomaaliya oo ugu timid in ay wax ka ogaadaan nolosha ay ku sugan yihiin

“Waan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul wasaaraha oo noqday qofkii ugu horeeyey oo madax ka noqda Soomaaliya oo garta in dad ka maqan yahay, 24 sano ayaan joognay halkaan walina madax ka socota soomaaliya nooma imaan, adiga iyo xukuumadaada waxaan ka sugaynaa in aad wadanka xasilisaan. 70% qaxootigu waa dhaliyaro u baahan in mustaqbal wanaagsan iyo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan loo abuuro, tusaale ahaan xeryaha qaxootiga waxaan imid anigoo afar sano jir ah, waxaan hada haystaa labo carur ah, waxaana ka mid noqday gudi xeryaha ka baxay oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxaan booqanay iskuulada, waxaana noo muuqatay in manhajka waxbarasho ee dalku inuu yahay mid isku dhex yaacsan, waxaan dowalada ka codsanaynaa in soo celiyaan adeegyada bulshada si dadku dib ugu noqdaan dalkooda” ayeey tiri Faadumo oo ku hadlaysay magaca gudiga xeryaha

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhooweeyey talooyinka ay soo jeediyeen guddiga ka socday xeryaha isagoona sheegay in xukuumadiisu ay mudnaanta koobaad siinayso arrimaha qaxootiga Soomaaliya.

—-DHAMAAD—

1

2

3

4

5

6

7

32 31 30 29 28 27 26 25 24 23 22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 11 10 9 8

Diraac Salaad fagaase 
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 
Dhadhab, Kenya 
Media@opm.gov.so

 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com