Top News:Wariyihi Al Shabaab Xasan Xanafi oo qirtay in uu yahay eedeysane la baadigoobayo.

0

Nairobi, AGGM: Nin Soomaali ah oo ay hayeen ciidanka boliiska ee dalka Kenya ayaa qirtay in uu yahay Xasan Xanafi kaasoo oo ay doon dooneyso dowlada Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka wariyayaal Soomaaliyeed, sidaana waxaa maanta sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska ee dalka Kenya.

Ninkaas oo xaafadda Islii lagu qabtay horaantii bishan August ee sanadkan ayaa su’aalo la weydiiyay kadib wuxuu qirtay in uu yahay Xasan Xanafi isagoo markii hore isku sheegay in uu magaciisu yahay Yuusuf Xasan Abdisalaan.

Saraakiil ka tirsan boliiska oo codsaday in aan la magacaabin ayaa wakaaladda AP u sheegay in saraakiisha dowlada Kenya ay qorsheynayaan sidii ay ugu gudbin lahaayeen Xasan Xanafi dowlada Soomaaliya oo hore u codsatay in lagu maxkamadeeyo guddaha Soomaaliya.

Xasan Xanafi ayaa heystay waraaqo sheegaya in uu yahay Kenyan inkastoo markii dambe uu qirtay in warqahaasi ay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Xanafi ayaa gaaray dalka Kenya 14-kii bishii Maarso ee sanadkan si looga daweeyo dhaawacyo hore u gaaray.

Wuxuu yahay Xasan Xanafi xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana loo heystaa dilalka wariyayaal Soomaaliyeed iyo muwaadiniin kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com