Top News:Xaaladda Kismaayo Oo Caawa Kacsan Iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni Oo U Jiif Doontay Xeryaha AMISOM.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid aad u kacsan, iyadoona magaalada oo dhan Bandoow ay tahay.

Magaalada ayaa waxaa habeenadaan ka bilawday is ugaarsi siyaasiinta halkaasi ku sugan ah, waxaana xalay la weeraray hoyga horjooge Cabdi Barre.

Waxaa galabta casarkiiba isaga haluulay gudaha magaalada Kismaayo dhamaan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Raaskambooni iyagoo caawa u hoyday xeryaha ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo kadib markii ay isku aamini waayeen guryaha ay ka daganaayeen magaaladaasi.

Dhinaca kale Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa maanta galinki hore amray in ay bandoow xilliga habeenkii ah ay magaalada kusoo rogeen bal  si wax looga qabto Ammaanka magaalada ee faraha kasii baxaya maalinba maalinta ka dambeysa.

Isku soo wada duuboo Dadka oo dhan ayaa si qasab ah lagu kala xareeyay  waxaana caawa gudaha magaalada lagu dhex arkayaa maleeshiyaad  dhex socda , iyadoona hadda magaalada Kismaayo aanay ka jirin wax ammaan ah oo la’isku haleen karo.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com