Wafdigii Dowlada iyo IGAD oo saka dib ugu labtay Gobweyn ….

0

Wafdigii ka kobnaa Dowlada Somalia Urur Goboledka Igaad iyo besha Calamka ee shalay Deeganka Gobweyn kula heshiyay  Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ee uu hogaamiyo Col Barre Hiiraale ayaa waxaay saka mar labaad  gareen deeganka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo.

 

Wafdigaan ayaa waxa  la filaya in ay galabta horay u soo racaan  Gutada kowaad iyo Gutada labaad ee Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka kuwaas oo saldhigan doono  Xarun Ciidan oo ku taala Xafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo.

 

Gutada 3xaad ee Ciidamada Isbahaysiga ayaa waxaay ayaguna soo xaron doonan Maalinta bari ah waxaayna saldhigan doona  Xero Ciidan oo ku taala  Xafada Guul Wade ee Magaalada Kismaayo.

 

Magaalada Kismaayo ayaa saka laga dareemaya Farxad iyo soo dhaweynta Ciidamada Isbahaysiga  waxana wadoyinka magaalada Kismaayo taagan  Shacab Calemo qoyan wata kuwaas oo ka qayb ah so dhaweynta Ciidamada Isbahaysiga .