War Cusub: Dadka Shacabka Ee Magaalada Muqdisho Oo Looga Digay Wax Ka Sheegidda Siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa maanta Warbaahinta gudaha dalka u sheegay in dadka ku nool degmadiisa uu uga digayo inay wax ka sheegaan siyaasadda dowladda iyo dadaallada ay waddo ee lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga.

Cabdiqaadir ayaa xusay in hay’adaha amniga dalka ay ku soo wargaliyeen in la xiri doono dadka wax ka sheega siyaasadda dowladda ee fadhiista goobaha la isugu yimaado, sidaa darteedna ay masuuliyad ka saaran tahay in dadka ku nool degmada Xamarweyne inuu ugu digo inay ka fogaadaan wax ka sheegidda siyaasadda dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii dalka uu u heli lahaa amni iyo kala dambeyn, shacabkana laga doonayo inay dowladda ku taageeraan sidii lagu xoojin lahaa nabadda iyo horumarka dalka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka ku nool degmada Xamarweyne inay la shaqeeyaan dowladda, isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara nabadda iyo horumarka dalka.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com