War Deg Deg Ah: Al Shabaab Oo Sheegatay Inay Dileen Taliyihi Nabadsuggida Degmada Huriwaa.

0

Muqdisho, AGGM: War goor dhaw lagu daabacay Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxay ku sheegtay Al Shabaab inay iyagu ka dambeeyeen qarax caawa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida Degmada Huriwaa Axmed C/raxmaan (Dhega juun).

Sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay baa la yiri Idaacada Andalus ee Shabaabku leeyihiin ayaa waxa uu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen dilka loo geystay Axmed Dhega juun kaasi oo ku tilmaamay shakhsi dhibaato ku hayey dadka ku dhaqan degmada Huriwaa.

Sidoo kale war kasoo baxay Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi waxa uu sheegay in Sargaalka la dilay uu ahaa Kuxigeenkii Madaxa Nabad Sugida Degmada Huriwaa Axmed Dhega juun isagoo beeniyey inuu ahaa Taliyihii Nabad Sugida Degmadaasi.

Qarax caawa ka dhacay degmada Huriiwaa Xaafada Sos ayaa waxa lagu dilay Axmed Dhega juun oo ahaa Sargaal katirsanaa Nabad Sugida Degmadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com