War Deg Deg Ah: Ciidanka Kenya oo maanta weeraray Goobweeyn kuna fashilmay.

0

Kismaayo, AGGM: Aroortii hore ee manta waxaa ciidamo xoogan oo ka tirsan guutooyinka Kenya ee fariisinka ku leh magaalada Kismaayo ay weerar ku qaadeen magaalada Goobweyn oo saldhigyo uga samaysanyihiin ciidanka dowlada iyo kuwa Barre Hiiraale.

Warar xaqiiqaa ayaa Rajonews.net u sheegay in ciidanka Kenya ay magaalada ugu yimaadeen qaar kamid ah ciidanka oo ka dukaamaysanaya gudaha magaalada waxaana ciidanka kenya ay isla suuqa ku arkeen ciidamo kale oo gaaf waregaya iyaga oo bilaabay in ay ku dhawaaqaan in aysan ciidanka dowlada uu socon balse ay Al-shabaab raadinayaan, waxaana taas badalkeeda lagu wargaliyay in ay magaalada ka baxaan maadama aysan horay u soo sheegin in ay imaanayaan.

3 kamid ah ciidanka Barre Hiiraale oo meel banaanka ay magaalada ka joogay ayay ciidanka Kenya horay usoo qaateen waxaana isla markiiba soo wacay saraakiisha ciidanka Goobweyn oo ku wargaliyay in la soo daayo askartooda hadii aan la soo dayna aysan masuul ka ahayn jawaabta ka dhalata.

Mudo yar kadib waxa ay ciidanka kenya soo daayeen ragii ay Goobweyn ka wateen, iyaga oo dib uga baxay magaalada kuna hakaday meel duleedka magaalada ah oo ay ilaa iminka ku suganyihiin.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in magaalada Kismaayo ay ka soo waceen wasiirada Dowlada iyo Madaxkale laguna wargaliyay in aysan ciidanka kenya ku xadgudbin ciidanka goobweyn oo ah ciidan qaran.

Arintan waxay imaanaysaa xili ciidanka kenya ee Kismaayo ay ka amar diideen masuuliyiintii IGAD iyo madaxdii dowlada ee kismaayo ku sugnaa kadib markii ay ka madax adaygeen in ciidanka Goobweyn iyaga oo hubkooda wata ay magaalada dagaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com