War Deg Deg Ah: Col. Bare Hiiraale Iyo Ciidamadiisi Oo Soo Galay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Col. Bare Hiiraale iyo Ciidamadiisi ay soo galeen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in xaflada soo dhaweynta Ciidamada iyo Col. Bare Hiiraale in ay hadda ka socoto xarunta ciidanka cirka ee magaalada Kismaayo.

Waxaa hadda socota xaflada soo dhaweynta ciidmada Col Bare Hiiraale.

Warar aan la hubin ayaa waxa ay sheegayaan in  hadda weji ka waji ay u wada fadhiya Col Bare Hiiraale Iyo Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni, waloow warar kalena ay sheegayaan in Axmed Madoobe looba diiday inuu imaado Nawaaxiga ay ku sugan yihiin Ciidamada Col Bare Hiiraale.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com