War Deg Deg Ah: Col Cabdi Cigaal Oo Hogaaminayo Wafdigi Dowladda Iyo IGAD Oo Goobweyn Kusii Socda.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi balaaran oo loogu talagalay inay soo galbiyaan Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha nabada iyo midnimada Soomaaliya Col, Barre Hiiraale iyo ciidankiisa. Waxaana wafdiga aadeen magaalada Goobweyn.

Col, Barre Hiiraale iyo ciidankiisa ayaa waxaa magaalada Kismaayo looga diyaariyey laba goob oo muhiim u ah joogistiisa magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale goobahaasi ammaankooda sugaya ciidan ka tirsan kuwa uu isaga madaxda u yahay oo Kismaayo uga sii hormaray.

Dowlada Soomaaliya iyo IGAD ayaa waxaa ay xalay ku gacan-seyreen go’aan beesha Ogaadeen soo saareen oo ah inaysan Kismaayo imaan Barre Hiiraale iyo ciidankiisa oo hubeysan, balse taasi waxaa beeniyey in Kismaayo hadda laga wado soo dhaweynta iyo u diyaar garowga ciidanka Barre Hiiraale oo hubkooda wata.

Isku soo wada duuboo saaka ayay ahayd markii ciidamada Kenya ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada uu Hogaaminayo Col Bare Hiraale si aysan u soo galin magaalada Kismaayo, balse arrintaas ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeestay Wafdiga Dowladda federaalka iyo Xubno sar sare oo ka tirsanaa wafdiga IGAD islamarkaana ku amray in ciidamada Kenya ay baneeyaan wadad isku xirta Goobweyn iyo Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com