War Deg Deg Ah: Taliyihi Nabadsuggida Degmada Huriwaa Oo Qarax Lagu Dilay.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in caawa qarax miino lagu dilay Sargaal katirsanaa Hay’ada Nabad Sugida Somaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Dhago Juun waxaana uu ahaa sida la sheegay Madaxii Nabad Sugida Degmada Huriwaa waxaana gaari uu watay qarax lagula Eegtay meel ku dhaw Isgoyska SOS sidaa ayuuna ku dhintay.

Faah faahino intaan kabadan lama hayo iyadoona goobta qaraxa uu ka dhacay ay buux dhaafiyeen ciidan badan oo katirsan Dawlada meydka Sargaalkaasina ayaa meesha laga soo qaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com