War Deg Deg Ah: Qarax Lala Eegtay Gaadiid Ay Leedahay Hay’adda ICRC Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Saakay uu Magaalada ka dhacay Qarax noociisu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, kaasi oo lala eegtay Gaadiid Kolonyo ah oo ay leedahay Hay’adda ICRC, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas.

Mid kamid ah Gaadiidka ICRC ayaa ku bur buray Qaraxa oo bartamaha Magaalada ka dhacay, iyadoo aan jirin wali wax war oo ku saabsan Khasaaraha Weerarka uu sababay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay hage Dhawaqa Qarax uu ahaa mid Shacabka Magaalada ka maqleen Goobo ka fog halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana hadda soconaya Baaritaano & Gurmad loo fidinayo Dadkii la socday Gaadiidka Hay’adda, oo aan lakala ogaan inta uu la egyahay Khasaarahooda.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda Lama oga in Gaadiidkan ay la socdeen Shaqaale Ajnabi ah oo Hay’adda ka tirsanaa iyo inkale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com