War Deg Deg Ah:Dagaal Ka Socda Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka magaaladaas uu ka qarxay dagaal culus.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka billowday duleedka magaalada Kismaayo oo iminka lasyu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, dhawaaqa rasaasta xoogan ee labada dhinac ee diriraya ayaa waxaa laga maqlayaa dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in fariisimo ay ku leeyihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni duuleedka magaalada Kismaayo mar qura ay isqabsatay rasaas xooggan iminka ay ku soo dhacayso iyo maleeshiyada Raaskambooni oo rasaas xooga ku jawaabaya.

Ilaa hadda lama garanayo cida la dagaalameysa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni amaba qasaaraha dagaalkan uu reebay, waloow dadka ku sugan gudaha magaaladaasi ay tuhmayaan in uu dagaalkan u dhexeeyo maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo waxaa aad iminka u kacsan guud ahaan xaalada magaalada Kismaayo waxaana la wada xiray dhamaan goobihi ganacsiga dadkuna waxay ku yaaceen guryahooda, waxaana istaagay gabi ahaan isu socdoka magaaladaasi.

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com