Wararkii ugu danbeeyay Buula Mareer oo Al-Shabaab laga qabsaday iyo xaalka sida uu saaka yahay

0

Xaalada Degmada Buulo mareer ayaa saaka degan, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladaasi oo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Buulo Mareer.

Majirto dagaal iyo xaalado kale oo ka taagan Magaalada, inkastoo dadka yar ee Magaalada ku sugan,xalay ay ku hooydeen iyaga oo dareemaya cabsi ku aadan in dagaal Magaalada uu ka dhaco.

Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa ku waramaayo in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay daafacyo adag ay ka sameysteen duleedyada Magaalada Buulo mareer.

Xaalada degan ee Degmada Buulo mareer ayaan aheyn, mid cago badan ku taagan, maadaama ay suuragal tahay in Shabaab ay saacad waliba soo weeraraan Degmada Buulo Mareer.

Afhayeenka dhanka Howlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan Degmada Buulo mareer ay go’doomiyeen oo aysan jirin meel ay u baxsan karaan.

Buulo Mareer ayaa 80-KM ujirta Degmada muhiimka ah ee Baraawe, waxaa halkaasi ku xoogan Al Shabaab oo inta badan saraakiishooda ay ku sugan yihiin sida wararka ay sheegayaan.