Wasiir ku-xigeenka warfaafinta oo tababar u furay suxufiyiin

0

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa maanta furay tababar aqoon kororsi ah oo magaalada Muqdisho loogu qabtay qaar ka mid ah Suxufiyiin ka kala socotay Warbaahinta Qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Tababarkan oo horaantii bishii May ee sanadkan loo qabtay 50 suxufi oo ka howlgalla Warbaahinta Qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa maanta wejigiisa labaad ka furmay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Afhayeenka Xukuumadda, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka,  ururka suxufiyiinta NUSOJ, mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland  iyo suxufiyiin kale.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay furitaanka siminaarkan ayaa ka sheekeeyay horumarka ay Warbaahinta Soomaalida ku talaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo ay la kulmaysay caqabado badan, isla markaana goobta lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya sida loo faquuqo dadka laga tirada badanyahay ee bulshada ku dhexnool oo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah suxufiyiintii tababarkan horey u qaadatay.

Xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in u jeedka siminaarka wejiga labaad uu yahay sidii loo ogaan lahaa kuwii ka faa’ideystay sida ay howshooda ugu dabaqeen, isagoo xusay in maalinta berri 30 suxufi oo ka kala socda Warbaahinta loo furi doono tabar kor loogu qaadayo aqoontooda.

Cabdi Muuse oo ka socday Hay’adda horumarinta saxaafadda ee dalka Finland Vikas ayaa ku booriyay howsha ay suxufiyiintu u hayaan bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay wax weliba ka hor mariyaan tan danta guud.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hunuuninta Dadweynaha Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo furay tababarka ayaa xusay in Wasaaaraddu ay dhiirigelineyso kor u qaadidda aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayna balaarinayaan tababarada lagu dhisayo aqoonta suxufiyiinta.