Wasiirka gaashaandhigga DF oo si aan horay looga baran u hanjabay

0

Dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi dowladda Soomaaliya ka socda waxaana ka mid ah wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud,

Wasiirka gaashandhigga ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada dalkaas oo uu ku jirro dhiggiisa dalkaas Cizmaad Yalmiz, waxaana uu ka warbixiyay wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii uu yimid Turkiga

Wasiirka ayaa ugu horeyn sheegay in isaga iyo dhiggiisa dalka Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo tayeenta ciidanka dhulka, badda iyo cirka ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in Turkiga oo ka mid ah waddamada Yurub in ay ballan qaadeyn siddii ay door uga qaadan lahaayeen ciidan xooggan oo Soomaaliya loo dhiso.

Waxaa la weydiiyay in ay jiraan ciidamo xilligan Soomaaliya loogu tabbabaraayo dalka Turkiga, wuxuu sheegay in aysan jirin wax ciidan ah oo imminka Soomaaliya loogu tabbabaarayo Turkiga balse ay horrey u jireen arday wax bartay oo la baraay ciidamada cirka iyo badda.

Waxaa la weydiiyay oo kale in ay jirin qalab culus oo ciidan oo Turkiga uu siiyay Soomaaliya, wuxuu xusay in aysan inaba jirin wax qalab ah oo Turkiga ay ka heleen isagoona intaas ku daray in Soomaaliya uu saaran yahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah marka laga reebo in loo oggolaaday in ay soo iibsadaan hub yer-yer.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay wasiirka gaashandhigga oo wareysi sii yay Idaacadda VOA-da in uu ka warbixiyo gulufka dagaalka ee dowladda ay ku dhawaaqday kaasoo la rabo in dalka looga xorreeyo Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in wax guluf dagaal la dhaho oo cusub aaney jirin balse howlaha hadda socday ay yihiin kuwa horrey u socday isla markaana dib loo saxayo qaladaadkii dhacay wajigii hore ee dagaalka Shabaab.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay inta Shabaab uu jirro in dagaalka dowladda ay kula jirto uu socon doono.