Weerarakii gaadmada ahaa ee Al-shabaab ku qaaday xabsiga Jilicow oo guuldaro ku dhamaaday.

0

Agosto 31, 2014….Ciidadmada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shaab abaaro 11:30 galinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-shaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeneen in weerarkan fashilmay ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar kamid ah Al-shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga.

Kooxda Al-shabaab ee weerarka fashilmay soo qaaday ayaa 5 kamid ihi labisnayd tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerary labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay. Weerarkan argagixiso ayaa waxaa ku dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabaddiidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta 
Dowladda Federaalka Soomaaliya 
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com