Xog: Axmed Madoobe “Ciidamada Col. Bare Hiiraale Oo Hubaysan Yeysan Soo Galin Magaalada” Iyo IGAD Oo Ku Tiri Haddaa Is Hortaagi Karto…

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga oo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada uu hogaamiyo Col. Bare Hiiraale ay beri soo gali doonaan gudaha magaalada Kismaayo.

Kadib markii doraad heshiis ay ku gaareen deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo Col. Bare Hiiraale iyo wafdi ka socxday Dowladda Federaalka, IGAD ayaa waxaa teer iyo habeen hore ka socday gudaha magaalada Kismaayo shirar isdaba joog ah oo noocyo badanaa.

Shir ay yeesheen Horjoogayaasha beesha Kablalax oo uu shir gudoominayay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskmaabooni ayaa waxaa kasoo baxay laba qodob oo kala ahaa sidan

1- In Ciidamada Goobweyn Hub Ka dhigis lagu sameeyo, kadibna lagu xareeyo xero.

2- In Col Bare Hiiraale loo musaafuriyo magaalada Muqdisho oo uusanba cag soo dhigin magaalada Kismaayo..

Go’aankaas ay qaateen Horjoogeyaasha beesha Kablalax ayaa shalay subax aroorti waxaa lagula kalahay wafdiga kasocday Dowladda Fedraalka iyo IGAD.

Wafdigan ka socday Dowladda Federaalka iyo IGAD ayaa waxa ay si cad ugu sheegeen inaysan marnaba aqbali doonin wax ka duwan heshiiska Goobweyn, waxaana si cad loogu sheegay Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe inuusan isku dayin wax carqaladeenka geedi socodka Nabada Jubbooyinka.

Waxaa mar labaad shalay galinki dambe uu isku dayay horjooge Axmed Madoobe oo ay weheliyeen Col. Yaasiin Indhoraadeer, Cabdirashiid Janan iyo Cabdi Bare inay wafdiga Dowladda Federaalka iyo IGAD ay ka dhaadhciyaan in ciidamadaas ay soo galin magaalada Kismaayo iyagoo hubaysan iyo Col Bare Hiraale in loo musaafuriyo isagoo markaana qiil ka dhiganaya in saaxiibadiis waa Col. Yaasiin Indhoraadeer, Cabdirashiid Janan iyo Cabdi Bare ay la qabaan fikirkaas.

Qaar kamid ahaa Xubnaha ka socday IGAD ayaa waxa ay ugu jawaabeen “Ciidamada iyo Col. Bare Hiiraale magaalada waa ay soo galayaan ee haddaa hor istaagi karto orodoo Gobweyn ugu tag, shalay ciidamo sheeganaya magaca AMISOM ayaa ka saaray magaalada ee qabiil adoo ah maadan uga saarin, waxaana kugula talinaynaa inaad qaadato amarka IGAD iyo Dowladda federaalka, haddaa diidana leeyskugu kiin tagi maayee ogoow”.
Dhinaca kale Ciidamada Goobweyn ayaa waxa ay wararka aan heleyno sheegayaan inay beri subax gudaha magaalada Kismaayo soo galayaan Guutada 1-aad iyo Guutada 2-aad halka Guutada 3-aadna ay soo gali doonto maalin kadib.

Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa madashaas ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in Axmed Madoobe cid aan ahayn aysan aqoonsaneen go’aankooduna uu yahay kii hore oo aysan waxba ka badalayn heshiiska ay Goobweyn kula soo galeen Col. Bare Hiiraale.

Dhinaca kale Shacabka  ku nool magaalada Kismaayo ayaa teer iyo doraad marki ay maqleen in ciidamada Col Bare Hiiraale ay soo galayaan magaalada Kismaayo waxa ay wadaan qaban qaabo lagu soo dhaweenayo Ciidamada uu horkacayo Col Bare Hiiraale.

Isku soo wada duuboo waxaa waaga ku baryay albaab walbana uu kasoo xirmay Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo kooxda uu markuu doono Isticmaalo markuu doonana ka dhaqaaqo, waxaana hubaal ah in godkooda biyo ugu soo galeen.

Waxii kasoo kordha wararka Jubbooyinka kala soco Allgalgaduud Media

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com