XOG:- Axmed Madoobe iyo wasiiradii DF oo is mari la & qodobo la’isku fahmi weysan yahay

0

Kismaayo, AGGM: Warar hoose oo ay heshay Shabakada allgalgaduud.com ayaa waxay sheegayaan in is faham waa uu ka taagan yahay magaalada  Kismaayo ee gobalka  Jubada Hoose kaa oo uu dhaxeeya Hogaamiye Axmed Madoobe iyo wasiirada DF ee halkaasi dhawaan tagay.

Waxaa hadda kulan albaabada u xiran yahay ka socdaa maadaxtooyada Kismaayo, arinta ugu weyn ee la’isku maari la yahay ayaa ah wareejintaa Dekada iyo Garoonka magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa xilligaan aaad uga biya diidan inuu wareejiyo dekada iyo Garoonka Kismaayo, waxaana Wasiirada kala ah Maaliyadda, Gudaha iyo Dastuurka ay wadaan wax u sheegista Axmed Madoobe.

Waxaa laga yaabaa in Labada dhinac ay is fahmaan, iyadoona saacadaha soo aadan ay si wadajir ah saxaafadda kula hadli doonaaan madaxtooyada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com