Xog: Axmed Madoobe Oo Dowladda Federaalka U Saxiixay Inay Qaadato 50% Dhaqaalaha Kasoo Xarooda Dekedda Iyo Garoonka Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM:Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu saxiixay in dhaqaalaha kasoo baxa dekedda iyo garoonka magaalada Kismaayo ay dowladda Federaalka qaadato 50% dhaqaalahaas.

Warkan aanu ka helnay Mas’uul si aad ah ugu dhow horjooge Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in cadaadis ba’an lagu saaray Horjoogaha inuu fuliyo dhamaan qodabadi lagu heshiiyay shirki Addis Ababa.

Ilo wareedkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay 50% dhaqaalaha kasoo xarooda inay qaadanayaan horjoogaha iyo Maleeshiyadiisa ilaa laga gaarayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo dhacaya 21 bisha SETEMBER ee soo socota, kadib shirkana 50% ay noqon doonto Dhaqaalo ay wada wadaagi doonaan dhamaan maamulada deegaanada Jubbooyinka.

Dhinaca kale ilo wareedkeena ayaa waxa uu walaac xoogan ka muujiyay sida loogu heshiin doono ama loo maamuli doono dhaqaalahaas maadaama ayuu yiri uu si wanaagsan u yaqaan horjooge Axmed Madoobe in uusan waxba ka aqoon Maamulka oo hadda ay qadyaan kala joogaan iyaga iyo Horjoogaha.

Isku soo wada duuboo waxaa lays weydiinayaa Axmed Madoobe in uu wax maamulo malala dhoowran doonaa mise waxaa qaadi doona daadka?, maadaama aanu si wanaagsan uga dharagsan nahay habdhaqanka iyo xeeladaha Siyaasadeed ee dowladdaha deriska la ah Soomaaliya ee ku salaysan “Kana Siib, Kana Saar“.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com