XOG:- Axmed Madoobe oo wada qorshe ciidamada Kenya ay kusii joogayaan.

0

Kismaayo, AGGM:Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa wado qorshe balaaran oo uu ku doonaayo in magaalada Kismaayo  kusoo joogaan ciidamada Kenya ee la sheegay inay baxaayaan.

Waxa uu kulamo la qaatay Saraakiisha Kenya waxaana uu u sheegay in marnaba maamulkiisa aanu ciidamadaan ka maarmin maadaama ay howlo badan u hayaan.

Saraakiisha ayaa u sheegay in iyaga ay ku joogi karaan oo  kaliya si cad  rabitaanka AMISOM iyo dowladda Federaalka, hadii kale meeshii loo diro ay aadayaan.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan imaan doona magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmi doonaa Xasan Sheekh isaga oo kala hadli doono arimahaan iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in Kenya aanay ciidamadeeda awood badan ku lahaan magaalada Kismaayo, maxaa yeelayu waxay huriyeen dagaalo halkaasi ka dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com