Xog: Col. Bare Hiiraale Oo Kulmo La Qaadanaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Nicholas Kay Iyo Saraakiisha AMISOM, Dhawaana Ku Laabanaya Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Horumarka Jubba Col Bare Hiiraale uu kulan albaabada u xiran uu la qaadanayo todobaadkan gudihiisa Ergayga QM Soomaaliya u qaabilsan Nicholas Kay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in kulankan ay yeelanayaan Col. Bare Hiiraale iyo Ergayga QM Soomaaliya u qaabilsan Nicholas Kay uu yahay mid looga hadalayo arrimaha dib u heshiisiinta Ammaanka iyo  siyaasada gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale Col. Bare Hiraale ayaa waxa uu kulan la qaadanayaa saraakiisha sare ee ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Horumarka Jubba Col. Bare Hiiraale sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Col. Bare Hiiraale iyo Saraakiisha Sare ee Isbaheysiga Nabada Jubbooyinka ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo Saraakiisha beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo dhamaan beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Col. Bare Hiiraale ayaa waxaa lagu wadaa in uu labada todobaad ee soo socda gudahood in uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isku soo wada duuboo Isbheysiga Nabadda iyo Horumarka Jubba ee uu hogaamiyo Col. Bare Aden Shire ayaa waxa ay cayaareen Siyaasad doorweyn iyo sameeyn ku yeelan doonta mustaqbalka dhow Nabadda, Siyaasada iyo Horumarka gobolada Jubbooyinka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com