Xog: Diyaaradihi Ka Duuli Jiray Magaalada Kismaayo Oo Maanta Boos Banaan Laga Waayay. Maxay Tahay Sababta…..

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradihi ka duuli jiray magaalada Kismaayo maanta laga waayay boos banaan oo ay dadka ka raacaan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhacdadan ay sabab u tahay kadib markii la sheegay in Ciidamada uu hogaamiyo Col Bare Aden Shire ay maalmaha soo socda gudaha usoo galayaan magaalada Kismaayo.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo sheegay markaan wax ka weydiinay dhacdadan “Walaaloow waxa diyaaradaha dhan buuxiyay oo booska dadka uga waayeen waa raggii dalka dibeddiisa kasoo yaacay iyo raggii dhagar qabayaasha ahaa ee dadka laayay, toos ha u laayaan ama si dadbanba ha u laayaane, kuwaas ayaa baxsanaya kadiba markay xaqiijiyeen in Col Bare Hiiraale soo galayo magaalada”.

Dhinaca kale Goobjoogahan ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Goobweyn ee uu hogaamiyo Col. Bare Hiiraale ay magaalada gudaha usoo galayaan maalmaha soo socda, waloow ay jira warar kale oo sheegaya maalinta Jimcaha ay soo gudaha usoo galayaan magaalada.

Isku soo wada duuboo shalay ayay ahayd markii wafdi balaaran oo ka kala socday IGAD, Dowladda Soomaaaliya, UN-ka Iyo Safiiro ay booqasho ugu tageen Col. Bare Hiiraale iyo Ciidamada uu hogaamiyo oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo, kulakaas oo si wanaagsan ay isugu afgarteen dhinacyadi uu dhexeeyay ayaa waxaa kasoo baxay qodobo aan waxba laga weydiin Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaaskambooni, taas oo muujinaysa guulaha dhanka Siyaasada ah ee uu gaaray Isbahaysiga Nabadda iyo Horumarka Jubba iyo hoogaamiyahooda Col. Bare Hiiraale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com