Xog: Horjooge Axmed Madoobe Oo Dhawaan Soo Gaaraya Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Ilo wareed ku sugan xarunta Villa Somalia oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud media ayaa waxa uu sheegay in Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu dhawaan soo gaarayo magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa safarka Horjooge Axmed Madoobe in uu salka ku hayo wadahadalo horudhac ah uga furmayaan isaga iyo Col. Bare Hiiraale magaalada Muqdisho inta aan la gaarin shirweynaha dib u heshiisiineed ee dadka daga gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo maanta ayay ahayd markii Col. Bare Hiiraale iyo qaar kamid ah ciidamadiisa markay gudaha usoo galeen magaalada Kismaayo, halka sadex meelood laba meel ciidamadi goobweyn ay weli ku sugan yihiin fariisimahoodi.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com