Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shalay Kulan Gaar Ah La Qaatay Odayaasha Beelaha Hawiye.

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan gaar ah waxa uu xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula qaatay Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha iyo Odayaasha Beesha Hawiye ayaa ahaa mid xasaasi ah oo looga hadlay arimo kala duwan ay kamid yihiin Howlgalada ay Dowladu ka bilowday Magaalada Muqdisho ee hubka looga dhigayo Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyaasha hubeesan ee ku dhaqan Caasimada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Odayaasha Beesha Hawiye in ay taageeraan qorshaha hub ka dhigista ayna u qaadan mid lagu colaadinayo ama si gaar ah loogu beegsanayo Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyaasha hubeesan ee Beesha Hawiye.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiligan laga gudbay Qabiil iyo waxii la halmaala, waxa uuna ka codsaday Odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye in ay taageeraan Dowlada si looga guuleesto dadka nabada kasoo horjeeda iyo kuwa Isbaarada dhiganaya gudaha Caasimada iyo meelo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay taageeraan qorshaha maamulka loogu sameenayo Sadaxda Gobol ee Baay, Bakool iyo Sh/Hoose , waxa uuna Xasan Sheekh ugu baaqay Waxgaradka Hawiye in ay qeybtooda ka qaataan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Dowladu aqoonsan tahay.

Mid kamid ah Waxgaradkii ka qeyb galay Kulanka ayaa noo sheegay in dhinacooda ay Madaxweynaha kala hadleen arimo badan ay kamid tahay sidii loo sii deyn lahaa dadka aan dambiga lagu cadeyn ee hada u xiran Dowlada iyo sidii looga foojignaan lahaa in aysan dhibaato horseedin qorshaha hub ka dhigista ee Dowladu bilowday.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Odayaasha Beesha Hawiye ee kulanka uu la qaatay in si dhaqso ah cadaalada loo horgeynayo dadka Hay’adaha amaanka u xiran , waxa uuna tilmaamay in qofkii dambi lagu helo aan la sii deyn doonin lana horgeyn doono cadaalada si looga jaasiyo dambiga uu galay.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay Odayaasha Beesha Hawiye ayaa kusoo aadaya xili Magaalada Muqdisho Dowlada Soomaaliya ka bilowday howlgal hubka looga dhigayo Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyaasha hubeesan ee Muqdisho kusugan kuwaa oo ku abtirsada beesha Hawiye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com