XOG:- Maxamuud Sayid Aadan oo ku wajahan magaalada Kismaayo.

0
Baydhabo, AGGM: Siyaasiga caanka ah ee reer Gedo Maxamuud Sayid Aadan ayaa la wadaa qorshihii uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Warar ay si hoose u heshay Shabakada Allgalgaduud ayaa waxay sheegayaan in siyaasiin caan ah kana soo jeeda Gedo kuwaa oo jooga magaalada Kismaayo ay markaan usoo jeesteen keenista Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa laga yaabaa Maxamuud in uu soo raaco wafdi dowladda Federaalka ah oo dhawaan Baydhaba ku wajahan kuwaa oo imaan doona magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Muqdisho imaan doona siyaasiin iyo Odayaal reer Gedo ah kuwaa oo siyaasad ahaan diidanaa maamulka Axmed Madoobe hogaamiyo.

Hadaba markii ay Muqdisho yimaadaan ayaa waxay wada aadi doonaan dhanka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, si ay qeyb uga qaataan maamulka Jubba iyo dhismihiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com