XOG:- Sidee Cali Khaliif uu uga bad baaday ciidamada Somaliland

0
Saaxdheer, AGGM: Shabakada Allgalgaduud ayaa si hoose kusoo ogaatay qaabka uu ubaxsaday Cali Khaliif Galeyr oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Ciidamada Somaliland ayaa duulaan lama filaan ah waxay kusoo qaadeen Saaxdheer, waxaana markii ay deegaankaasi soo galaayeen ciidamada ay ahaayeen kuwo shir u soconaayay.

Galeyr ayaa ku jiray isaga gaar ahaan hoygiisa uu isku diyaarinaayay, hase ahaatee Guriga uu ku jiray ayaa dhinaca kale waxaa kasoo galay ciidamada Somaliland.

Waxaa Galeyr loo jabiyay daaqadda, isaga oo halkaasi laga bad baadiyay, waxaa qolkii uu ku jiray ku dhintay Laba Askaro ii isaga ka difaacday in la qabto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com