10ka Sebtember Maalin Silloon! W/Q.Bashiir M. Xersi

0

In badan waxay u ahayd farxad, aniga se waxay ii ahayd maalin maalmaha aan waxba doorin ama ka duwanayn. Ima galin murugo iyo laab xanuun aysan kuwa kale ii lahayn. Farxaddu run ahaan dadkayga maalmo ka hor ayey u billaabatay, iyadoon ba la gaarin maalintan dhammaystirtay farxaddooda.

Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bishii Agoosto, ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku soo baxay mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtember, waxaa la xulay Mudane Xasan Sheekh halka 06-dii Oktoober sanadkii 2012dii loo magaacabay RW Mudane Saacid, oo soo xiray maalmaha haddaba, “yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii waa laga gudbay? Yaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u dejinta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….” Weydiimahan waxay ku jireen qormo magaceedu ahaa; “Muranka Madaxda Dawladda!” ma is tiri; maanta ayey ku habbooneed, oo waan ka hordhacay? Bal adba.

Xasan iyo xertiisa, ama inta aan la xer ahayn, balse, gashan shaarka indha sarcaadinta iyo humbaalynta waxaa dhalay in 20tan sano ay dalka hoggaankiisa ku loollamayeen ama hayeen gacan ku dhiiglayaal, marka laga reebo dawladdii Maanifesto ee Cali Mahdi hoggaankeeda qabtay, ee daagalka sokeeye sababta u eheed iyo dawladdii Carta ee C/qaasim hagayey, inta kale, waxaa horboodayey mangag iyo qabqable. Taa ka sokow, waxay ahayd markii u horraysay oo xulidda beenta ah ee xubnaha baarlamaanka dalka gudihiisa laga qabto, ka dibna wixii harsanaa lagu dhiso.

Dhacdadaa waxay in badan oo nooga mid ah ka indha saabtay inay xaajada u eegaan sida ay tahay iyo salka ay ku fadhido, taa oo marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan ay u wehliso duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo uu u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan u soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray “lama arag iyo lama maqale”.

xasan dhaar

Widaay aan saaxiib nahay ayaa maalmahaa iguu yiri; “Bashiir, rajo fiican ayaa jirta, madaxda u sarraysa ee dalka waa aqoon yahanno, Baarlamaanka waxaa ku jira rag kale oo aqoon leh, ugu yaraan 50% waa rag wax ku ool ah!” hal eray baan ku iri; “Aniga iima muuqdaan tilmaamahaa, balse, waan kula gurayaa, oo waqtiga ayaan kula sugayaa!” dhawaan ayaan weydiiyey, oon ku iri; “50% xaggee ka bexeen, aawaye, sawtan shaarka la isku dheggan yahay meel walba iyo maalin walba?!” ewel ba warcelin kama rabine, halkaa baan uga haray.

Wixii la sugayey in lagu hungoobay ka sokoo, xerta Xasan waxay la yimaadeen nusqaan iyo dhimaal xad dhaaf ah, oon ka soo qaadanayo dhawr qodob anoon ku dheeraanayn, waxaana ka mid ah;

1- Dagaalkii Shabaab ka dhanka ahaa, oo hakad la galiyey in ka badan sanad, oo aan illaa iminka la aqoon cilladda iyo sababta loo hakiyey, walow, dib laga billaabay, aanna la aqoon inta uu sii socon doono.

2- Ammaan xumo baahsan oo ka jirta Caasimadda Muqdisho, oo qaraxyada ka dhaca marka laga soo  tago ay wehliyaan dagaallo fool ka fool ka ah iyo dirir maalin caddeey ah.

3- Dilal qorshaysan iyo qaarijin qalqal galisay dadka, oo ay ku qur bexeen ku dhawaad afar Xildhibaan.

4- In ka yar 10 bilood inuu Guddoonka Bangiga Dhexe xil ka qaadis ku sameeyey laba GUDDOOMIYE, marka laga soo tago inaysan jirin siyaasad dhaqaale iyo mid maaliyadedba.

5- In xukuumaddii hore uu ka dhigay 10 Wasiir, bakhiilnimo iyo gacan adayg meesha uu ka gaaray.

6- In muddo 2 sano ka yar uu magacaabay laba RW, taas oo kuu caddayn karta heera maamul  iyo hoggaamineed ee meesha ka jira.

7- In Kenya ay marka laga soo tago inay iyadu Jubbooyinka si toos ah u maamusho, heer ay wufuud dawladda ka socda ay Garoonka Kismaayo ka celisay, ayba ku darsatay Baddeennii, oo jawaabta Xerta Xasan ay noqotay dacwad baan u gudbinnay Maxkamadda Adduunka, oo ka dhigan; “I MAXKAMADEE/ IDACWEE HA LA II XUKUMEE!

8- In hadda ay Itoobiyana nagu haysato dhul kale, oo ay ku doodee in deegaanka SAAX ay ka mid tahay dhulkeeda, mardhawna filo iyada oo dekadda Berbera ama Hobyo sheeganaysa.

9- In heshiiskii uu la galay maamulka Waqooyi ay ku jireen mugdi badan iyo weydiimo badan, ka dib markii waraaqadaha la kala saxiixday ay ku qorraayeen DAWLADDA SOMALILAND, oo goorma ayey DAWLAD noqotay? Yaa se u aqoonsan inay DAWLAD tahay ma dunida mise Xerta Xasan? Bal adba.

10- Habka Federalka ay u hirgalinayaan oo dhib iyo abuuray muran cusub, oo u dhexeeya beelaha dariska ama wada dega (OODWADAAG iyo ah ABWDAAG).

11- In aysan jirin xilli go’an iyo waqti cayiman oo ay baxayaan ciidamada shisheeyaha ee dalka gees ka gees firirsan, iyagooba hadda damacsan inay isku sii ballaariyaan meel aan looga baahnayn, oo nabadi ka jirto, sida maamulka Ximan iyo Xeeb.

12- In dalku uusan illaa hadda lahayn LACAG u gaar ah, oo xitaa wali la soo bandhigin, maya, la soo hadal qaadin qorshe la xiriira arrrintaa, oo ka dhigan in wali ay maqan tahay qayb ka mid ahastaamaha qarannimada Soomaaliyeed.

13- AMISOM meeshii ay nabad iyo ka ilaalin lahayd xasillooni, waxay ilaalisaa uun NAAS iyo GENI, oo kufsi iyo waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay lacag ku samaysan lahaayeen.

14. In uusan jirin hannaan dowladeed oo habsami u socod leh. Tusaale, Garsoor,  Gaashaandhig, Waxbarasho, Caafimaad iyo  Horumarin.

15. Ineysan dalka ka jirin, Dastuur kala xadeeya awoodaha maamul, Garsoor kala saara, hoggaan mideeya iyo hannaan ka dhaxeeya midna ee Wasiirka iyo Agaasimaha mid waliba  hadalkiisu yahay; “dowladdu waa 4.5 ee dhankaaga xejiso, tubbadana dhinacaaga ka dhuuq!”.

Dowladdu waxay ku faantay Lix Tiir, waxaase hadda maalin walba sii dumaya oo sii libdhaya  filashada intii hore loo haystay. Ka hor dowladdan dadku waxay diyaar u ahaayeen wax wada qaybsi, wada noolaansho iyo wada joogid ay ku daabnayd midnimadii luntey, oo raacdadeeda iyo raadkeeda lagu jirey.

Haddase, waxaa noo muuqda in beel walba iyo jufo weliba doonayso  iney dowlad gaar ah noqoto,  xuduudna la yeelato beelaha kale, weliba ay ku darsato deegaannada ay beelaha kale degaan, iyaga oo shisheeye iyo sokeeyaba u adeegsana “Jid iyo jiho la’aan!

Hoggaankan waxaa lagu xantaa inuu kala boobayo; gobollo, dhaqaale, jagooyin, mashaariic IWK, “INTAYDA I SII IYO IGUMA FILLA!” xaal yahay. Intaasoo dhan markaan isu geeyey waxaa isoo baxday in maalinta 10 September tahay  Maalin nagu silloon, waxaan taas ula jeeda in sida loo sugayey looga soomman yahay ama sida loo sahanshay aan loogu saldhigin.

Xaalkeennu waa; “Nin daad qaaday xunbo cuskay!” awal waa la qarsanayey in dalka dad kale ka taliyaan, haddase, waa lagu faanaa. Beribaa nin muddo badan lagu xamanayey ninnimo dhimmanaan (RAGANNIMO XUMO/ DHUFAANNIMO) ayaa waxay nuxnuxdii socotaba oo arrintii laysla dhex maro, maalintii dambe gabadh reerkooda ah, dhiiggu qaaddey markaasay tiri; “Waryaahee haddaadan adigu ceebta kugu taal iska mayrayn, annagay na saamaysaye iila tag oo Shiikh ii geeyso, ina guurso haddaad doonto hadhowba i fure, ha la yiraahdo waa kii Ina hebel guursadaye?!”.

Ninkii Liidane waa qayliyey, oo wuxuu yiri; “Naa hay sasaban anigaad doonaysaa inaad  Aroos iyo Guur iila timaaddo!” Gabadhii ayaa ciilkii hore mid kale ugu darsamay, oo waxay yeesho garan waydey, waxayna ogaatay in ninnimo xumida, ay doqoniimo u dheertahay. Markan waxaan ula jeedaa Hoggaan xumida waxaa noo dheer damiir xumo iyo dadnimo la’aan. Anigu maanta Wallee meel lama soo istaageen, sida kuwan kula dhoocaarsadaan, waxaan ahay; “MADAX HEBEL” iyadoo caalamka ceebta wareegaysa iyo waxaa laga hadlayaa yihiin, haweenka Soomaaliyeed iyo gabdhaha ugub hadimmada iyo hagardaamada haysata ee KUFSI iyo FARA XUMAYN ah.

Waxaan dhawaan meel ka aqriyey in Xukuumad Kuuriya ka talinaysay isu casishay, oo waliba ay la socotay oohin iyo ilmo ka dareertay madaxdii is cashay, ka dib markii ardey dalxiis ahaa markab ay la socdeen la gaddoomay, haddaba, kol haddii dalkii na laga qaaday, oo cadow maamulayo, haddana, lahaanshihiisii muran ka joogo, waa labadii rag u dhiman jiray asaanay jirin cid ka gilgilatee, waxaa naloogu daray baqti wareen iyo in marrastii na loo dhaafo (dib mareeyo). Nin hortiisa haweenkiisa lagu kufsaday, nolosha uu sugayo ma garan! Waxaa oo dalka ka dahacaya ayey ku mashquulsan yihiin hebel ayaa xilka ka qaadi kara; ma aniga mise adiga? Bal adba.

Aan ku soo xiro faallada, dhawr bayd oo ka mid ahaa maansadii “Ajar-diid, September 2012” waana sidan;

81. Ashqaraarka dhacayiyo

82. Orka iyo ciyaaraha

83. Album hees ka buuxiyo

84. Afka waa ka sheegnaa

85. Arar waa u tirinnaa

86. Afarreey ka curinnaa

87. Aartikal ku tebinnaa

88. Idaacado ka sheegnaa.

89. Waxaan uga danleeyahay

90. In “ISBADAL”ku yahay eray

91. Ishu aysan qaban karin

92. Uuna maqal inagu yahay

93. Horaa lay ajarayoo

94. Asoo nuucyo badan buu

95. Aalloow na soo maray

96. Astaan Qaran ku sheeg iyo

97. Mar Kacaan ku aasnaa

98. Mar Islaam ku daabnaa

99. Intaa iyo intoo kale

100. Ayaa wali inoo dhimman!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com