Akhriso: Qabiilada Aan Ka Qaybgalin Iyo Kuwa Isaga Baxay Shirka Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM:Ayado Maalintii shalay Magaalada Kismaayo u ka dhacay Shir lagu sheegay nabadeynta Jubboyinka balse ahaa Isbahaysi cusub oo dhex marayay Urur Dimeedyada Damujadiid iyo Raskambooni ayaa waxaa isi soo taraya Siyaasiyiinta,Waxgaaradka Odayaal dhaqameedyada iyo waliba qabiilada ka biyo diidan shirkaasi la marin habaabiyay.

Shirkaan oo shalay furmay ayaa waxa sido kale dhaliilo u jediyay qaar ka mid ah wadamada daneeya arimaha Somalia oo ay ugu horayso Dowlada Maraykanka.

Hadaba Shabakada warbaahinta Kismaayo24 waxaay idin soo gudbinaysa qabiilada diiday Shirkaan kuwi tagay ee isla shalay iskaga baxay iyo kuwa saka war ka soo saaray.

1-Beesha Sade ee Gobolka Gedo Guud ahaan Way diiday in ay Shirkaan ka qayb gasho waxaana Hogaaminaya Gudomiyaha Gobolka Gedo oo Kismaayo ku sugan balse aan xaadirin holl ka u shirku ka socdo waxaayna dalbadeen in Shirka u qabsooma waqtigi logu tala galay lana marsiiyo wadadi lagu heshiiyay.

1-Beesha Sade ee Waamo gabi ahaanba way diiday in ay Shirkaasi ka qayb gasho ila Shirka ay soo fadhistan hogankooda siyaada oo ah Gudomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka Col Barre Hiiraale.

2-Beesha Harti Darood Shalay Shirka wa ay iskaga baxeen mana cada ila iyo hada waxaa ay tabanayaan balse warar hoose oo aan helnay ayaa waxaay tibaxayaan in ay saluugsan yihiin Ergada laga siyay Shirka.

3- Beesha Gaaljecel waxaay manta shaaciyeen in aysan mardanbe fadhisan doonin holl ka shirka sababo ay ku sheegen Hogaankooda Siyaasada Col Cabaas oo ka maqan Shirka iyo Xurmo la,an shalay lagu sameeyay.

Waxaa kale oo jira beelo ka cabanaya qaabka shirka lo agaasimay oo aan wali madasha shirka ka bixin waxaana beelahaasi ka mid ah Beesha Cowro maleh Beesha Leelkase iyo Beesha Sheikhaal.

Madaxweynaha Dowlada Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa asagana Shalay waji gabax kala kulmay shirka ka dib markii kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midobay ee Arimaha Somalia ay Hortiisa ka cadaysay in shirka Kismaayo aan lodhameyn lona bahan yahay in lo dhamado.

Dhanka kale Qaramada Midobay iyo Hay,adihii ku yaboohay in ay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya Shirka ayaa ayaguna diiday in ay wax lagac ah ku bixiyaan Shirka Kismaayo.

Isku soo wada duubo waxaa la dhihi karaa qabashada Shirka Kismaayo waxaa jabweyn u ka racay Madaxweyne Xasan Sheikh oo sharafta iska qaday iyo Axmed Madoobe oo iska cideyay Maamulkii lo aqansana balse hada Isbahaysiga nabada iyo midnimada Gobolada Jubboyinka ay shaaciyen in aysan Axmed Madoobe u aqonsanayn Madaxweynaha Jubba State.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com