Dhageyso+Akhriso:Warqad Dacwad Ah Oo Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug State Gen Cabdi Qeybdiid.

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay warqad cabasho ah ay u direen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo ay kaga cabanayaan xayiraad Maamulka Puntland uu ku soo rogay garoon diyaaradeed dhowaan laga furay Koofurta Galkacyo.

Jen. Cabdi Qeybdiid oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Gudaha dalka ayaa sheegay in saddex cisho ay u suura geli la’dahay inuu Galkacyo diyaarad ku tago, kadib markii diyaaradihii geyn lahaa ay Puntland u digtay.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku hanjabay hadii muddo saddex cisho ay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ay jawaab kaga heli waayaan ay shacabka Puntland qaadan doonaan go’aankooda.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug State Gen Cabdi Qeybdiid.

galmudug

galmudug1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com