Al Shabaab Oo Xalay Madaafiic Ku Weeraray Xarunti Hore Ee Madaxtooyada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xalay laga maqlay Magaaladaasi madaafiic xoogan oo qeyb ka mid ah Kismaayo ku dhacayey.

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Kismaayo oo Xarun u ah hogaamiyaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada hoobiyeyaashaasi inkastoo aysan faah faahino badan bixin waxaana in madaafiic lagu garaacay halkaasi xaqiijiyey sidoo kale Horjoogeyaal katirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Shalay waxa magaalada Kismaayo ka furmay shir lagu sheegay in uu yahay shirka Dib uheshiisiinta Beelaha Degga Jubbooyinka taasi oo markiib ay ka horyimaadeen kuna tilmaameen been abuur garabyo badan oo ka tirsan garabyada isku haya Gobollada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com