Amiir Maxamed Calanle: Shirka Kismaayo waxaa uu dhexmaraya Urur dimeedyada Damujadiid iyo Raskambooni meesha u ku danbeyana wanu arki doona.

0
Amir Maxamed Calanle oo ka tirsan Aqonyahanada Ka soo jeeda  Gobolada Jubboyinka oo manta la hadlayay Warbaahinta ayaa waxaa uu shaaciyay in Shirka Kismaayo usan dhexmareyn dhinacyadi Kismaayo  isku hayay   balse u yahay mid lagu abuurayo  Isbahaysi cusub oo dhexmaraya  Urur dimeedyada Damujadiid iyo Raskambooni.
Amirka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in  Xogaga Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ay wali dhisan yiihiin gaashankana u daruuri doonan  Isbahaysiga Urur Dimeedyada  ee raba in ay la a wareegan Talada  Kismaayo
Ugu  danbeyn  Amir Calanle ayaa waxaa uu sheegay in Somalia iyo Calamkaba ay ka soo daaleen  Ururu Dimeedyada wajiyada badan ee xaalka Somalia heerkan soo garsiiyay.
Urur Dimeedyada Raskambooni iyo Damujadiid ayaa waxaay horay uga wada tirsanan jireen  Ururka Al Islaax iyo waliba Maxaakimta Islamka.
Hadalka Amiirka ayaa waxaa uu imanaya  Xili Xiriir hoose  oo dhexmaray  Farax Cabdiqadir iyo Axmed Madoobe oo kala hogaamiya  Raskambooni iyo Damujadiid ay ku heshiiyeen  in labada Urur ay yeesheen  Isbahaysi  adag.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com