Buulo Burte: Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howl-gal wada

0

Ciidammada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay howl-gal dad lagu soo qabtay ka sameeyay tuulooyin hoos taga degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkaan ayay ciidamada ka sameeyeen tuulooyinka Yasooman iyo Geed-samo oo dhinaca Halgan ka xiga Buulo Burte, ayadoo lagu soo qabtay lix qofood iyo hub ay wateen.

Guddoomiyaha degmada Buulo Burte Cabdicasiis Daahir Guuroow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaan lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, baaritaana ay ku sameyn doonaan saraakiisha ammaanku.

Mudane Guuroow ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada iyo maamulka kala shaqeeyaan ammaanka si loogu guuleysto in laga adkaado maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaana la furo waddooyinka ay xireen kooxdaasi.