Cabdi Weli gaas oon cago ku taagneyn, xaal halis ahna dhex taagay Puntland

0

C/Weli Gaas wuxuu ku wanaagsan yahay sida cadaawo loo abuurto. Dadka ku dhaqan Puntland waxaan filaa inaysan weli dareemin falfal xumada uu ku dhaqamaayo Madaxweynahooda oo aad ugu wanaagsan sida loo abuurto cadaawo. Maanta Puntland waxay ku sugan tahay halis ah in umadda ku nool uu ku habsado bur-bur iyo barakac aad u baaxad weyn oo aysan weligood ka fikirin, waayoo Ina Gaas wuxuu cadaawo ka sameystay Somaliland iyo Galmudug waana labada gobol ay kala dhexeyso xuduuda, dowladda dhexena wuxuu ula dhaqmaa sidi iyagoo ku nool meel ka baxsan Somalia.

Wuxuusan ogeyn C/Weli in labada maamul goboleed ee xuduuda kala dhexeyso inay ku qabsan karaan Puntland saacado kooban waa haddii la is-fara saaro..cid u soo gurmaneynsana u maleyn maayo inay jirto!!! Waxaa laga yabaa inay isku halleynayaan Ethiopia oo ay gacal moodeen, iyagoo illawsan wixi dhex maray Mengistu Haile Mariam iyo Cabdullaahi Yuusuf berigii SSDF..taasoo Cabdullahi loogu hambalyeeyay askarta uu dilay oo la yiri marba haddii aad disheen askar Somali ah waad guuleysateen.!!! Nasiib darrada heysata siyaasiyiinta Puntland waa iyagoon marna ka horimaan karin tallaabooyinka qallafsan ee Madaxdoodu qaadeyso. Waa dadka qofkooda khaldan aan la toosin oo waxay aaminsan yihiin in qofki iyaga ka mida oo gef sameeya inuu saxsan yahay waa isma ceshato aan wax badan is-dhaamin.

C/Weli Gaas wuxuu dareemay khatarta ku soo socota mar hadduu cadaawo ka samyestay Galmudug oo ah dad mudan in wanaag loola dhaqmo, markey cadaawo arkaanna aan wax celin karaa aysan jirin, dadka Puntland ee waxgaradka ah waa ogyihiin dadkaasi waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan. Qaybdiid meelo badan ayaa looga soo duulay oo laga codsaday inuu demiyo dabka uu shidaayo C/weli Gaas oo ismooday wax uusan ahayn, wuxuu mudan yahay waa yaqaaniin reer Galmudug. Cabdi Qaybdiid meelo badan ayaa lagala soo xariiray si uu baajiyo ama badbaadiyo dadka maatada ah ee meesha ku nool, waana oggolaaday inuusan bilaabin xabbadda, waayoo waa askari yaqaanna dhibaatada dagaalku leeyahay. C/weli Gaas ma yaqaanno in dagaal si loo billaabo ay sahlan tahay, laakin si loo joojiyo ay aad u adag tahay. Waa run inuu Jaamicad ka baxay laakin waxba kama kororsan wuxuuna ka soo baxay isagoo ka aqoon yar Faroole oo ahaa jaahil aan wax baran (uneducated), laakin yaqaan meesha ay khatarta ka imaan karto.

C/weli wuxuu cadaawada u abuurtay inuu dadka dega Puntland oo aad u saluugsan kana soo horjeeda siyasadihiisa inuu mideeyo isagoo ku andacoonaya inay jjiraan cadaawo duullaan ku ah Puntland. Dad wax taxliiliya qaarkood ayaa aaminsan in C/weli Gaas uusan u baahneyn cadaw dibadda ka ah gobolka, balse asagu u yahay cadawga ugu weyn ee maanta ka jira Somaliya, Shabaab waxay galeen booska labaad. Ina Gaas waa aragyay maanta inuu taagan yahay SHAFAA XUFRAH Godka Qarkiisa uuna khatar ugu jiro inuu ku dhoco godka iyadoon cidina u soo gurman doonin.

Waxaa talo naga ah C/weli inaadan iska dhigin nin kaligiis noolaan kara ood u baahan tahay dowladda dhexe ood maanta hoos fadhido adigoo baryaaya in la demiyo debki aad shiday. Waxaa habboonaan lahayd inay dowladda dhexe ku hor dhigto shuruudo aanu diyaar u nahay diyaarintooda si looga badbaado ku takri falka aad cadeysatay, erayada iyo afcaasha aadan ka fiirsan..Raadso cid kula talisa oo adiga kaa aragti fiican kuwaasoo aan hubno in laga heli karo Puntland haddii is-faqooqida laga daayo maamulka gobolka dhexdiisa, qof kastana wixi ay taqaanno laga faaiideysto iyadoon la fiirin jufada hoose uu ka soo jeedo.

Farqiga idiin dhexeeya adiga iyo Cabdi Qaybdiid waxay tahay isaga si aan ganbasho lahayn ayuu u sheegaa waxa uu damacsan yahay, waana qof go’aan leh oo markasta ku dheggan mowqifkiisa mahmaa kaan !!..adigana waxaad ka baqeysaa inaad qirato cabsida ku gashay aadna raadineyso si aad uga badbaado dhibaatada ay abuurtay garaad yaridaada. Taasna waxay tilaam u tahay inaad ka arradan tahay tilmaanta zaciim nimo oo looga baahan yahay qok kasta ee xil culus qaadda Laga yaabee inad Puntland bohol ka tuurto hadhowna aad inkirto adigoo dhahaya anigu sidaa u lama jeedin…Bal hadda caddey mowqifkaaga siyaasaddeed, cadaawada aad abuurtayna u raadso dad cilmi iyo aqoon u saaxiib ah oo kaala taliya tallaaboyinka aad qaadi doonto mustaqbalka. Marna ha u maleyn C/weliyow inaad gobollada kale ee dalka ka horreysid am ka fiican tahay.

W/Q: Cali Karaama

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Nabadbile Online.