C/qaadir Siidii “Waxaan hadda ku soconaa degmada Baraawe”

0

Gudoomiyaha gobalka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.

Waxa uu sheegay in aan la nasan doonin, oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la dagaalami doonaaan Al-shabaabka meel walba oo gobalkaasi ka joogaan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay soo dhaweyn doonaan cid walba oo ka mid ah Al-shabaab misane isku soo dhiibta dowladda Federaalka ee Soomaaliya.