Cudurka jadeecada oo ka dilaacay shabelaha dhexe

0

Jowhar, AGGM: Wararka aan ka helayno deegaanka Mansuur oo hoostaga degmada Mahadaay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay cudurka Jadeecada, sida dadka deegaanka ay u sheegay Warbaahinta magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Mansuur oo la hadlay warbhinta ayaa sheegay in cudurka Jadeecada uu sababay dhimashada labo caruur ah oo da’dooda u dhaxeyso 4 ilaa sideed sano.

Deegaanka Mansuur oo ku yaala duleedka degmada Mahadaay ayaanan laheyn xarumo caafimaad, waxaana dadka qaar ku adkaata inay gaareen degmada Mahadaay iyo Jowhar maadaama uusan jirin gaadiid si joogto ah dadka ay ugu isticmaalaan deegaankaasi.

Masuuliyiinta maamulka degmada Mahadaay oo aan la xiriirnay ayaanan wali ka hadlin dhibaatada dadka deegaanka mansuur heysta, waxaana cudurka uu soo ridanayo caruur badan oo deegaankaasi ku sugan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com