DAAWO: Qoraagii Buuga XADKA RIDADA oo Muuqaal Cusub ugu usoo Jawaabay Sh: umal, Sheegayna in qorshe lagu dilayo la..

0

Qoraaga Buuga Muranka dhaliyey ee XADKA RIDADA MAXAA KA RUN AH Cabdisaciid Cabdi Ismaciil Ayaa kasoo Jawaabay Hadalo dhowaan kasoo baxay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo horey u sheegay inuu Buugaasi Xambaarsan yahay Gaalnimo.

Cabdisaciid Cabdi Ismaciil ayaa Wuxuu sheegay Aqoonta uu u leeyahay diinta Islaamka, Sidoo kalana wuxuu sheegay inuusan marnaba ku gafi karayn diinta Islaamka, Wuxuuna Faah faahin ka bixiyey Buugiisa.

Geesta kale wuxuu Sheegay in isagoo Sheekh umal kula tukaday Masaajidka maalintaasi, uu hadana ku sheegay inuu yahay qof diinta ka baxay, Wuxuuna sheegay in laga soo saaray Hotel uu ka daganaa magaalada Nairobi oo uu ku sheegay in sheekh umal Saaxiibadii ay leeyihiin.

Wuxuuna Arintaasi ku sheegay inay tahay Qorshe la doonayo in lagu dilo, Islamarkaana Hotelka looga soo saaray si’aan Looga Shakin.