Daawo Sawirada:Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba Col. Barre Aden Shire Oo Kulan La Yeeshay Nicholas Kay Iyo Ku Xigeenkiisa Fathia Serour.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheregayaan in Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba Barre Aden Shire “Bare Hiiraale” uu maanta kulan la yeeshay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya  Nicholas Kay iyo Ku-Xigeenkiisa Fathia Serour.

 
Kullankan ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay  Xalane ee magaalada Muqdisho.

 
Waxaa ugu horreyn Ergayga QM Nichicholas Kay iyo Ku-Xigeenkiisa Fathia Serour ammaan iyo bogaadin ay u jeedisey Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba Barre Aden Shire “Bare Hiiraale”, Saraakiisha iyo ciidamadiisa sida ay ugu taagan yihiin geedi socodka Nabada iyo horumarka gobolada Jubbooyinka islamrkaana ugu diyaarsan yihiin dib u xoreynta gobolada Jubbooyinka.

 
Sidoo kale waxaa kulankan si qoto dheer looga hadlay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Gobollada Jubba ee Kismaayo.

 
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba Barre Aden Shire ayaa waxa uu kullan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

 
Isku soo wada duuboo kullamadan labada dhinac yeesheen ayaa waxa ay kusoo wada dhamaadeen is afgarad iyo wada shaqeen buuxda oo hoosta laga wada xariiqay.

 

20140902_120051

h

20140902_120021

 

20140902_100515 20140902_100522 20140902_100536 20140902_100550 20140902_100558

 

20140902_100609 20140902_100613 20140902_100652

20140902_120213

Filo Dhawaan Sawirada Col. Bare Hiiraale Iyo Nicholas Kay Oo Dhameystiran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com