Daawo Sawiradda: Mudaharaad Ballaaran Oo Lagu Tageerayay Shirka Beesha Sade Oo Gilgilay Caasimada Gobalka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM:Mudaharaad aad u ballaaran ayaa ka dhacay maanta Caasimada gobalka Gedo ee Garbahareey,mudaharaadkaan ayaa shacabka gobalka gaar ahaana kuwa garbahareey ay cod dheer ku sheegeen sida ay u soo dhaweynayaan uguna heelan yihiin shirka Midnimada Beesha Sade ee dhawaan la doonayo in lagu qabto magaalada Garbahareey.

Mudaharaadkaan ayaa qayb ka ah dadaalo lixaadleh oo ay iska kaashadeen dhamaan qaybaha bulshada ee magaalada Garbahareeyiyo wafdi maalmihii ugu danbeeyay magaalada kugnaa , Mudaharaadkaan ayaa waxaa hormuud ka ahaa qaybaha kala duwan bulshada sida Ardayda ,Ururada Haweenka ,Dhalinyarada ,Gudoomiyaha degmada , Cuqaasha magaalada iyo Culumaa’udiinka .

Magaalada Garabahaareey ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka socday dadaalo magaaladu ay uga tashanaysay sidii ay u marti galin laheyd Shirwaynaha Beesha, uuna u noqan lahaa mid lagu guulaysto oo ay ka soo baxaan go’aamo wax tar u leh Bulshada ku nool dhamaan deegaanada ay beeshu degto iyo guud ahaanba dhulka Soomaaliyeed.

Dadaaladaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu magaalada soo gaaray wafdi horudhac ahaa oo magaalada u yimid inu uu dadka ku baraarujiyo sidii loo taageeri lahaa loona soo dhaweyn lahaa hirgalinta Shirwaynaha Beesha Sade ee dhawaan lagu qabanayo Caasimada Gobalka ee garbahareey.

Banaanbixii maanta ayaa waxaa ka hadlay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana ka mid ahaa Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kalmadaha ka jeediyay fagaaraha.

Cali Maxamede Ciise – oo barnaamijka xiriirinayey

Sheekh Cumar cabdi jaamac – oo Kalimad waano ah jeediyey

kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Tuure Cabdi Jaamac

Gudoomiyaha Degmada Iimaan Cadow

Taliyaha Amniga C/xakiim Maxamed (Caano koosto)

Maxamed Tahliil Biixi- qurba joogta

Xuseen faarax Coongaab – Qurba joogta

Nabadoon Mahad Macalim Cismaan

Nabadoon Abdulaahi Sheekh Axmed

Nabadoon Saalax Macalim Cabdi

Ambiyo Cismaan Cabdi – Ururka Haweenka

Xukun Cabdulle Aadan – Ururka haweenka

Maxamed Turmaag – ururka dhalinyarada GYDO

Cabdigurey Cali Xabad – Ururka dhalinyada Sooyaal

10578601_581221231988862_1118044093_n 10621305_581049765339342_571001041_o 10638955_581049922005993_404330435_o 10639472_581049828672669_509076500_o 10642792_581050652005920_118210109_o 10643267_581226038655048_1404988846_n (1) 10647564_581225968655055_777191994_n 10656629_581224701988515_1343474583_n 10658284_581050668672585_1806003813_o 10663139_581049502006035_1091144766_o 10673288_581049862005999_702676632_o 10637672_581225958655056_468186603_n 10668480_581226035321715_1544672253_n 10668756_581225845321734_1664445626_n 10673102_581049465339372_917162256_o
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com