Daawo Sawiradda:Col. Bare Hiraale Iyo U Qeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar Oo Maanta Ku Shiray Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maantashir albaabada u xiran ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubbooyinka Col Bare Hiraale Iyo u qeybsanaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirkan u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubbooyinka Col Bare Hiraale Iyo Wafdigan ka socda Dowladda Mareykanka oo uu hogaaminayay u qeybsanaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka Juan Clar ayaa looga hadlayay Arrimaha sii cakirmaya ee gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo labada dhinac ayaa waxa ay isku afgarteen si wanaagsan islamarkaana dib u balamay.

bare2

bare3

bare1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com