Dhageyso+Sawirro:- Wafdi gaaray Garbahaarey iyo Shirweyne halkaas ka furmaya.

0

Garbahaarey, AGGM:Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta gaaray wafdi ka kooban salaadiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka, kuwaas oo ka qeyb galaya shirweyne wadatashi ah oo yeelanayaan bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Garoonka Diyaaradaha ee degmada Garbahaarey waxaa kusoo dhaweeyay dadweyne farabadan oo ruxayay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kuna dhawaaqayay erayo lagu muujinayo taageerada ay u hayaan shirkan.

Wafdiga ayaa kormeer ku tagay goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Garbahaarey, waxaya sidoo kale booqdeen Garoonka weyn ee degmada oo ku socdaan howlo shaqo, waxana ay baaq u direen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Qurbajoogta iyo ganacsatada kasoo jeeda gobolka Gedo.

Cabdi Xasan Shirwac (Fanax) oo kamid ah wafdiga maanta gaaray magaalada Garbahaareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay usoo gaareen gobolka in uu yahay dadka gobolkan in ay wadatashi guud ka yeeshaan xaaladaha, dhaqanka, Siyaasada, iyo abaaraha ka jira gobolka Gedo.

“Waxaanu ahayn wafdi horudhac u ah shirweyne wadatashi ah oo ka furmaya magaaladan Garbahaareey, shirkan waxanu uga tashanaynaa aayaha deegaankeena, waxana isugu imaanaya guud ahaan inta ay ka go’do tallada gobolkan, waxyaabaha aanu ka hadlaynana waa Abaaraha, Siyaasada, iyo dhaqanka gobolkan sidii ay wadatashi u yeelan lahaayeen arrimahan” ayuu yiri Fanax.

Dhanka kale maalinta bari ah waxaa soo gaari doona magaalada Garbahaarey wafdi kale oo ka imaanaya dalalka dariska iyo gudaha dalka, waxana shirkani la filayaa inuu si rasmi ah u furmo maalinta Sabtida ah.

20140918_091702 20140918_085158 20140918_085137 20140918_085058 20140918_084957

20140918_084542

20140918_084711

20140918_085313

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com