”DAAWO VEDIO” Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq raashin ah ka guddoomay hay’adda bisha cas ee Turkiga

0

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta deeq ka timid dowladda Turkiga ka guddoomay Mas’uuliyinta hay’adda bisha Cas ee dalkaasi, taa oo loogu talagalay in loogu gurmado shacabka ay abaaruhu saameeyeen.

Deeqdan raashinka oo gaaraya toban kun Mitrik ton oo isgu jiray bur, bariis iyo baasto oo hay’adda bisha cas ee Turkiga ugu talagashay inay kaga qeyb qaadato u gurmashada dadka ay abaartu ku saameysay qaar ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayay ku wareejiyeen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Mustaf Yilmaz oo ah Madaxa wafdiga hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay qorshaha hay’addu ku dooneyso inay ku caawiso bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay dekadda Muqdisho ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdaan ay soo gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ku soo beegantay xilli loo baahnaa, ayna ka rajeynayaan in kaalmo tan la mid ah ay markale shacabka ku caawiyaan.

Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmadan raashinka ah lagu gaarsiin doono gobollada dalka ee ay ka jirto abaaraha.

Dowladda Turkiga ayaa sanadkii 2011-ka ka qeyb qaatay u gurmashada shacabka xilligaasi oo ay dalka ka dhaceen macluul aad u daran oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo.