Daawo:Jaaliyadaha Beelaha Celi Iyo Wagardhac Ee Dalka Holland Oo Taageeray Heshiiski Labada Beelood Ee Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

0

Magaalada The Hague ee wadanka Holland waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen Waxgaradka, Aqonyahanada iyo Siyaasiyiinta Beelaha wagardhaca iyo Celi. Kulankaan oo diirada lagu sarayay sidii lo taageeri lahaa Heshiis ay labadaasi beelod ku gareen Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galbaduud ayaa waxaa laga soo saray Baaq Nabadeed.

Inta uu kulankaasi socday waxaa Khadka Telefoonka uga qayb galay Nabadoon Cadceed oo ka tirsan Jaaliyada London waxaana nabadoonka uu ugu baqay labadaasi beelod in ay is cafiyaan islamarkana ay dhaqan galiyaan heshiiski ay horay u gaareen. Dadka kale ee Kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ah..

Dr Maxamed Muuse Dr Abdiqani Adan Sheikh Dr Abdiweli Xasan Xusein (Garbacune) Cali Xoday Cabdiraxman Suleiman Ciid Drs Xamza Sh Xusein Hanoolato Marwo Faadumo Maxamed Idle iyo Xubno kale oo haween iyo Rag iskugu jiray waxaana dhamaan dadkaani isla qireen sida logu bahan yahay in Nabad lagu wada noolaado.

Gabagabadi kulankaan ayaa waxaa si weyn logu mahad celiyay Culuma udinka Ahlusunna Waljamaaca iyo waliba wafdigii xildhibaanada ahaa ee ka yimid Magaalada Muqdisho ee kaalinta ka qaatay daminta colaadan dhexmartay beelaha walalaha ah.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com