Dad loo soo qab-qabtay weerarkii lagu dhaawacay Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde

0

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dad usoo qab-qabteen weerarkii saaka lagu qaaday Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) oo kooxo hubaysan ay dhaawac culus saaka ugeysteen.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay soo qabteen dad lagu tuhmaayo inay weerarkaasi ku lug lahaayeen, halka qaar kale oo dadkaasi ka tirsan weli lagu raadjoogo.

Axmed Cabdulle Afrax, ayaa tilmaamay in ciidamada Nabadsugida Degmada iyo kuwa Booliiska ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan soo qabashada ragii weerarka geystay oo la sheegay in dhanka Jazeera ay u baxsadeen, waloow dadka lasoo qabtay qaarkood laga soo qabtay Nawaaxiga Isgoyska Danwadaagta oo falka uu saaka ka dhacay.

“Howlgalka waa socdaa dadna waa lasoo qabtay oo waa la baaraa, Taliyaha Nabadsugida iyo taliyaha Booliiska Degmada ayaa maqan oo wada baaritaanka ku aadan soo qabashada dadkii ka dambeeyay falkaasi”Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wadajir.

Waxaa la aaminsan yahay in raga geystay weerarka oo watay gaari NOHA ah inay u baxsadeen dhanka Jazeera, iyadoo aysan suuragelin saaka markii ay weerarkaasi geysteen in la eryado oo lasoo qabto.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cali Madoobe oo dhaawac culus soo gaaray ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Xalane ee Amisom, sida uu sheegay Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.