DEG DEG:- Al-shabaab iyo shacab kabteey aaway ku dhacday ka dib markii..

0

Wararka ka imaanaaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in kala carar aan caadi ahayn halkaasi ka bilawday ka dib markii ciidamada Huwanta ay duleedka degmadaasi fariisteen.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, ka dib markii ciidamo Xoogan ay afka aadiyeen halkaasi, xaaladana aad ayeey isku bedashay.

Waxaa la arkayaa shacabka oo kala cararaaya, Al-shabaabna saaka ayeey ka baxeen degmada Jalalaqsi, xilliyada soo aadanna waxaa halkaasi geli doona ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.