DEG DEG:- Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Raage Ceelle

0

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Raage Ceelle ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ayaa howgalka ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay kula wareegeen deegaanno ay ka midyihiin Calool weyn, Cali gumare, xagaay gaf iyo kuwa kale, waxaana ay ciidamadu ku sii siqayaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgalka ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo qabtay saddex dhalinyaro oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyadii u dagaalameysay Shabaab, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

 

Saraakiisha ciidamada hogaamineysa ayaa waxa ay kulamo magaalada Raage Ceelle kula qaadanayaan odoyaasha dhaqanka, iyadoo ciidamadu halkaasi ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.