DEG DEG:- Hadda iyo dagaal cusub, Al-shabaab kusoo laabtay meel laga saaray & Huwanta oo u dhaqaaqday

0

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, ayaa saaka oo tallaado ah ku dhaqaaqay Shabaabka ku sugan inta udhaxeysa Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa deeganadaan horay looga saaray, markii ciidamada xooga dalka iyo kuwa Itoobiya ay la wareegayeen gacan ku haynta Degmada Ceelbuur, inkastoo Al Shabaab markii dambe dib ay ugu soo noqdeen deeganadaan.

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya qeybta 21-aad Sulub Axmed Diiriye, ayaa sheegay in ciidamada ay ka ambabaxeen Degmada Dhuusa Mareeb, ujeedadana ay tahay sidii Shabaab looga saari lahaa dhulka udhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.

Sulub Axmed Diiriye oo u waramay Idaacada lagu magacaabo Barkulan, ayaa sheegay inay rajeynayaan in Shabaab ay ka saaraan dhulkaasi, maadaama dalka Soomaaliya uu ka biloowday howlgalka Badweynta Indiya.

Xoogaga Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin tuulooyinka Ceel-la-helay, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Xiin-dheer iyo Ood-weyne oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Galgaduud, una dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.

Ciidamada qabsaday Degmada Ceelbuur ee isugu jira kuwa Dowladda iyo Ethiopia ayaa weeraro kala kulma dhalinyarada Shabaab ku jira ee ku sugan deeganada hoostaga Degmada Ceelbuur.

Howlgalka lagu majoxaabinaayo Mintidiinta Al Shabaab ayaa ka socda Gobalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan howlgalkaan wuxuu si dar-dar leh uga socdaa Gobalka Shabeelaha hoose oo goobo muhiim ah usoo gacan gashay Dowladda iyo Amisom.