DEG DEG: Madaxweynaha oo kusii jeeda Kismaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in uu maanta ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu ka qeybgalayo furitaanka Shirka Magaalada Kismaayo oo la damacsan yahay in uu xariga ka jaro sida uu AllGG u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Socdaalka Madaxweynaha oo aan horay loo sii shaacin, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo wali ay jirto cabasho kasoo yeereysa Beelaha Jubooyinka iyo Gedo oo kasoo horjeeda Shirka Magaalada Kismaayo.

Waxii kusoo kordha kala soco Allgalgaduud.com